#Main { height: 954px; } #Left { height: 321px; } .style3 { font-weight: 700; color: #FFFFFF; }
Malaysia Haweenka Carmalka (gaoobada) ah Inkii Guursada oo dawaladu siinayso Abaal marin lacageed iyo hadyad qaai ah kkkkk

4/12/2011 7:42:07 PM

Wadanka Maleysiya ee ka mid ah wadamada Muslimka ah ee horumarka xoogan sameeyey sanadihii la soo dhaafey, kuna yaal qaara Aasiya ayaa bilaabay nooc cusub oo dhiirigalin xaga guurka ah oo ragga fursad loo siinayo in hadii ay guursadaan haweenka garoobka ama carmalka ah ay helayaan abaalmarin qaali ah.

Maamulka gobolka Kelantan ee dhaca waqooyiga bari ee dalka Malaysia ayaa shaaca ka qaaday in ninkii guursada haween garoob ah oo nikeedu ka dhintey ama uu furey la siin doono abaalmarin, iyadoo la sheegay in hadii ninkaasi uu xaas leeyahay ay tahay marka hore in uu xaaskiisa kala tashado guurka labaad.

Wan Ubaidah Omar oo ah ka mid ah baarlamanka wadankaasi madaxna ka ah gudiga caafimaadka iyo horumarinta gobolka Kelantan ayaa sheegtey in dhaqaale iyo hadiyado kale la siin doono ragga guursada haweenka garoobada ah ee saygeedu ka dhintey ama la furay.

Talaabadan lagu go’aamiyey dhaqaale siinta ragga guursada garoobada ee Malaysia ayaa aheyd mid mudo soo jiitamaysay iyadoo xisbiga Islaamiga ah ee Pan-Malaysian Islamic Party oo taageero xoogan ka haysta laba gobol oo uu ka mid yahay gobolka Kelantan uu mudo u olaleynayey sidii loo hirgalin lahaa hindisaha dhaqaalaha lagu siinayo ragga guursada haweenka garoobada.

Wan Ubaidah Omar oo si weyn u taageeraysay qorshahan ayaa sheegtey in gobolka Kelantan uu yahay gobolka ugu furiinka badan, waxaana ay sheegtey in ay diiwan galiyeen 16,500 (Lix & tobon kun & shan boqol) oo haween garoobo ah kuwaasi oo da’doodu ka hooseeyso 60 sano.

Laakiin talaabadan waxaa ku jirta shuruud si weyn ay ugu farxeen haweenka ay qabaan ragga ku haminaya guurka garoobada ama carmalka ee isha ku haya lacagta iyo abaalmarinada kale ee ku lamaansan guurka garoobada, taasi oo ah in dhaqaalaha iyo hadiyada aan la siin doonin ragga aan ku wargalin guurkaasi xaasaskooda hore, waxaana la sheegay in arintan looga gol leeyahay si guurkaasi aanu u noqon mid qarsoodi ah (Qodbo sireed).

Ururada u dooda xuquuqda haweenka ee dalkaasi ayaa ka digay guurkaasi dhaqaalaha lagu siinayo ragga guursada haweenka garoobada ah in uu dhiirigalinayo Qodbo sireedka, waana mida keentey in shuruudo noqoto in xaaska hore ay arinkaasi ka warhayso oo aanay ka dhego xirneyn.

Inkastoo Baarlamanka dalka Malaysia uu go’aankaasi qalinka ku duugay, hadana waxaa laga sugayaa go’aanka ugu dambeeya ee ansixinta xukuumad.

Malaysia waxaa loo ogol yahay ninku uu guursan karo afar xaas waase hadii uu ku soo wargaliyo maxkamadaha Islaamiga ah ee deegaan goboleedka, iyadoo sharcigan uu taabanayo oo kaliya dadka Muslimka ah ee dalkaasi oo tiro ahaan ah aqlibada shacabka dalkaasi oo ah 27 milyan waxaana Muslimiin ah 60% tiradaasi.





FAALLOOYINKA BAADIYA
Reer Berbera Waxay Yidhaahdeen Buuraha Sibidhku Wax Go’lagu Qaado Ka Weyn
3/24/2012 11:35:22 PM | Waxaa la akhriyey :3175
"Beelaha reer Fiqicumar ee Raaso iskudilaya waxaan ugu Baaqayaa inay joojiyaan dhiigga daadan iyo dagaalka dhexdooda ah"
4/3/2012 8:59:30 AM | Waxaa la akhriyey :3635
Diinta Islaamka Maxay ka Qabtaa Dabaaldaga Maalinta Jacaylka Aduunka By Wariye Cumar Qayir Hargeysa
2/13/2012 12:38:45 PM | Waxaa la akhriyey :3427
Faallooyin Hore
UGU AKHRISKA BADAN
"Terror Free Somalia Foundation" waa maqaal aad u xiiso badan haddii aad jaanis u hesho akhriskiisa
1/18/2012 12:25:08 PM | Waxaa la akhriyey :5002
Nin masayray sidana masameeyaa ??? dawo sawiran oo ilmada isku celi
12/12/2010 12:22:52 PM | Waxaa la akhriyey :4759
Baryada badan ee Musharaxiinta maanta iyo Baahid bulshada ee berrito
6/15/2010 6:05:03 PM | Waxaa la akhriyey :4591

KUWA KALE
"Braclays Baank muxuu ka yaqaanaa Dahabshiil?Somalidu waxay ku maah maahdaa nin shirka kacay siigayare" faallo,daawo Sawirrada
7/29/2013 2:32:12 PM | Waxaa la akhriyey :926
Ma ogtahay inaad socoto adiga oo kabola inay tahay faa'iidada ugu badan ee jidhkaagu caafimaad ahaan helayo?
8/23/2012 1:40:25 PM | Waxaa la akhriyey :1533
Maxaad ka taqaanaa noocyada salaamaha dalaka ugraine iyo Australiya ee ay dadku isuku salaamaan lugaha?
8/23/2012 12:28:08 PM | Waxaa la akhriyey :1517
More
Baadiya.com © 2010. All Rights Reserved. Total web visitors are 1718987 Current visiting people are 47