#Main { height: 954px; } #Left { height: 321px; } .style3 { font-weight: 700; color: #FFFFFF; }
Dhacdo Layaab Leh Nin Guursaday Gabadh Mayd Ah Xaflad Balaadhana U Dhigay

1/19/2012 12:33:32 PM

Thailand [BMC]-Dhacdo la ayaab leh ayaa waxaa la shegay inay ka dhacday dalkaas magaalada Surin, oo ku taala waqooyiga dalkaas Thailand, ka dib markii uu nin la aqal galay ama uu guursadey haweeney meyd ah oo dhimatey iyadoona arooskaas loo sameeyey xaflad weyn laguna casuumay dad badan islamarkaana si Live ah looga soo tebinaayey tellefishinka dalkaas Thailand.

Sarinya Kamsook oo ahayd haweeney 29 sano jir ah ayaa waxaa ay is jeclaayeen ninkaan lagu magacaabo Chadil Deffy oo 28 sano jir ah iyagoona wada socdey oo xiriirna lahaa in ka badan 10 sanadood kuna balansanaa inay is guursadaan ama ay wada aqal galaan, Laakiin nasiib daro waxaa dhacday in haweeyneydii uu ninkaas jeclaa ay ku dhimatey shil baabuur ka hor intii aan la gaarin xilligii u degsaneyd ama u qorsheysneyd inay is guursadaan lamaanahaas taas oo ahayd 4 bishaan Janaayo, Laakiin ninkaas ay ka geeriyootey xaakiisii mustaqbalka ayaan arintaan u jixin jixin oo maalintii arooska waxaa uu go'aansadey inuu la aqal galo xaaskiisii oo ay xafladu dhacdo iyadoona halkaas la keeney haweeneydii oo loo soo xirey dharkii arooska iyo ninkii oo u soo diyaar garoobey arooskaas iyadoona xafladaas lagu aroosaayo haweeneydaas meydka ahayd lagu casuumay dad badan islamarkaana si toos ah ama live ay uga socotey telefishinka dalkaas Thailand.


Ugu dambeyntiina iyadooo sida uu sheegay ninkaas ay mashquulsanaanta labadoodu ay u suuro gali weysay inay mar hore aqal galaan ayuu waxaa kale oo uuu sheegay ninkaas inay ku tahay qasab inuu rumeeyo riyadiii haweeneydiisa oo uu ku sheegay inay jecleyd inay aragto iyagoo mar un wada aqal galo, Laakiin dadka qaarkood ayaa waxay ku tilmaameen inuu falkaas yahay mid ka bad badis ah oo aan waxba soo kordhineynin halka ay dad kalana ku sheegeen arin wanaagsan oo uu ninkaas sameeyey si kastana ha ahaatee bogooda Facebook ee lamaahanaa ayaa waxaa la sheegey in ilaa iyo 50.000 oo qofood in ka badan inay taageereen lamaanahaas uguna tacsiiyadeeyeen.

www.baadiye.net Hargeisa Office

Feedback Address Email selemiqayir@gmail.com

www.dahabshiil.com

 

 

 

 





FAALLOOYINKA BAADIYA
Walaalihii wada xanuunsanayey ee maydka kafankiisii laxaday dusha ku sitay:Faallada Baadiye
5/25/2014 11:47:53 AM | Waxaa la akhriyey :879
Reer Berbera Waxay Yidhaahdeen Buuraha Sibidhku Wax Go’lagu Qaado Ka Weyn
3/24/2012 11:35:22 PM | Waxaa la akhriyey :4111
"Beelaha reer Fiqicumar ee Raaso iskudilaya waxaan ugu Baaqayaa inay joojiyaan dhiigga daadan iyo dagaalka dhexdooda ah"
4/3/2012 8:59:30 AM | Waxaa la akhriyey :4569
Faallooyin Hore
UGU AKHRISKA BADAN
"Terror Free Somalia Foundation" waa maqaal aad u xiiso badan haddii aad jaanis u hesho akhriskiisa
1/18/2012 12:25:08 PM | Waxaa la akhriyey :9540
Nin masayray sidana masameeyaa ??? dawo sawiran oo ilmada isku celi
12/12/2010 12:22:52 PM | Waxaa la akhriyey :5398
Baryada badan ee Musharaxiinta maanta iyo Baahid bulshada ee berrito
6/15/2010 6:05:03 PM | Waxaa la akhriyey :5381

KUWA KALE
"Braclays Baank muxuu ka yaqaanaa Dahabshiil?Somalidu waxay ku maah maahdaa nin shirka kacay siigayare" faallo,daawo Sawirrada
7/29/2013 2:32:12 PM | Waxaa la akhriyey :2160
Ma ogtahay inaad socoto adiga oo kabola inay tahay faa'iidada ugu badan ee jidhkaagu caafimaad ahaan helayo?
8/23/2012 1:40:25 PM | Waxaa la akhriyey :2149
Maxaad ka taqaanaa noocyada salaamaha dalaka ugraine iyo Australiya ee ay dadku isuku salaamaan lugaha?
8/23/2012 12:28:08 PM | Waxaa la akhriyey :2141
More
Baadiya.com © 2010. All Rights Reserved. Total web visitors are 1764545 Current visiting people are 302